Senator Farole oo ka digay khilaaf soo kala dhex-gala DF iyo Aqalka Sare [Daawo]

Image

GAROWE, Puntland - Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud [Faroole] madaxwaynihii hore ee dowlada Puntland ayaa xalay khudbad uu dhinacyo kala duwan kaga hadlay ka jeediyay munaasabadii caleema saarka hogaanka cusub ee DPL.

Ugu horeyntii, Faroole oo sidoo kale ah mudane Aqalka Sare ee Federaalka ku metala PL, ayaa kula dardaarmay madaxda cusub inay ka shaqeeyaan wax kasta oo dan u ah Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Ku dhaqanka iyo ilaalinta dastuurka iyo shuruucda dalka ee dalka uyaala ayuu cod dheer ku qeexay inay tahay waxa markasta hagaajin karta dowladnimada ay ubaahan yihiin Shacbiga Soomaaliyeed.

Khilaafaadka haatan wadanka ka jira – midka udhaxeeya dowlada dhexe iyo maamulada iyo kan Gollayaasha sharcidejinta – ayuu ku baaqay in laga shaqeeyo sidii loosoo afjari lahaa, islamarkaana loogu bedali lahaa wadashayn.

"Khilaafaad badan ayaa jiro..waxaana diyaar unahay inaan ka odayeyno sidii loo dhameyn karaan..gogosha halkaan [Garowe] aan dhigno," ayuu yiri, isaga oo rajo wanaagsan ka muujiyay inay xal waara la helo.

Isagoo sii hadlay ayuu si cad uga digay mad-madow soo kala dhex-galaya dowlada iyo Aqalka Sare, inkasta oo uu meesha ka saarey inaanu marnaba diyaar u ahayn inay arrinkaasi timaado.

"Marnaba ma jeclin mana rajaynayo inuu khilaaf soo kala dhex-galo dowlada dhexe iyo Gollaha Aqalka Sare, laakiin waxaa loo baahan yahay in la xaliyo waxa haatan jira," ayuu hadalkiisa kusii daray Senator Faroole.

Ugu dambeyntii, waxa uu ku baaqay in dib loo bilaabo wadahadalada dowlada dhexe iyo maamulka Somaliland, kuwaasi oo uu ku tartarsiiyay inay ciidamadooda kala baxaan Aaga Tukaraq ee gobolka Sool.

"Iyagu [Somaliland] waxay sheegeen inay diyaar uyihiin..hala bilaabo wadahadalada," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Cabdiraxmaan Maxamed Maxmuud [Faroole] madaxwaynihii hore ee dowlada Puntland.

Puntland iyo Somaliland oo sheegata inay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale waxaa ka dhaxeeya colaad soo jireen oo ku aadan gacan ku haynta gobolka Sool, halkaasi oo uu duulaan ku qabsaday maamulka Hargeysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM