Shir laga yeeshay amniga doorashooyinka Puntland

Image
Image
Image
Doorashadan oo ah mid horudhac ah waxaa ku baratami doona 10 urur siyaasadeed kuwaas oo haatan ku guda jiro olole.

GAROWE, Puntland - Wasaaradda Amniga iyo DDR ee Dawladda Puntland ayaa gudoomisay shir looga hadlayay Amniga doorashooyinka dawladaha hoose ee degmooyinka degmoooyinka Eyl, Ufeyn iyo Qardho.

Kulanka waxaa kasoo muuqdey Gudoomiyaha Gudiga Kumeel Gaarka ah ee Doorashooyinka (TPEC),Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland.),  Lataliyaha Amniga Madaxweynaha iyo Taliyaha Booliiska Puntland.

Sidoo kale, madasha waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Difaaca Puntland, Agaasimaha Waaxda Amniga, Hay'adda Sirdoonka Puntland iyo saraakiil kale oo amni.

"Shirka ayaa kusoo dhamaaday is afgarad iyo go'aamo lagu sugayo amni doorashooyinka Dawladdaha Hoose ee soo foodaleh," ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaardda amniga Puntland.

Doorashadda ayaa qorshuhu yahay in ay bilaabato 25-ka bishan October. Doorashadan oo ah mid horudhac ah waxaa ku baratami doona 10 urur siyaasadeed kuwaas oo haatan ku guda jiro olole.

Dhamaan Ururada siyaasada Puntland ayaa si wadajir ah uga soo muuqdey dooda ayaga oo dadweynaha u soo bandhigay barnaamijkooda siyaasadeed kahor doorashada dowladaha hoose ee horudhaca ah.

Nidaamka xisbiyada badan ayay Puntland kaga gudbeysaa habka qabiilka oo tabashooyin badan abuuray wallow maamulku kusoo caana-maalay hase ahaatee waxaa la sheegay in la joogo xilligii lasoo afmeeri lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM