Shirka Amniga Puntland oo looga hadlay wax ka qabshada Kufsiga

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shir gudoomiyey shirka Amniga Puntland oo ka qabsoomay xarunta Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe.

Shirkan waxaa kasoo qayb galey maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf, Taliyayaasha Ciidamada Booliska, Daraawiishta, PSF, Asluubta iyoTaliyaha qaybta gobolka Nugaal iyo

Shirkan oo diiradda lagu saarayey amaanka guud ee Puntland iyo dhacdooyinkii foosha xumaa ee soo laa laabtay ayaa waxaa ka warbixiyey Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR Dowladda Puntland Yuusuf Madaxmed Ismaaciil.

“Maanta waxaa ka qabsoomey Madaxtooyada shirkii amniga Puntland oo lagaga hadlayey arrimaha ku cusub Puntland oo ay ugu horayso kufsiga in wax laga qabto, shacabkana lala wadaago meesha ay xaaladdu marayso"

"Shirkaas waxaa shir guddoominayey kusimaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, shirkaasi waxaa uu u dhacay si wanaagsan, wax qabdkiisana waa la arki doonaa Insha Alla, shacabka reer Puntland waxaan la socod siinayaa in arrinta kufsiga si deg deg ah wax looga qaban doono”

-DHAMMAAD-

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM