Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada oo ka furmay Garoowe

Image
Image
Image
Image
Image

GAROOWE, Puntland - Waxaa saaka oo Axad ah magaalada Garoowe, ee xarunta Puntland ka furmay Shirka 4aad ee Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasoo kusoo beegmya xilli khilaaf Siyaasadeed xooggan uu ka jiro dalka.

Shirkan oo ay ka qeybgalayaan Madaxda Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa inta uu socdo arrimaha maamul goboleedyada, siyaasadda, Hiigsiga doorashada 2020 iyo amniga.

Waa markii ugu horeysay oo Garoowe martigelisa Shirka Gollaha Iskaashiga dowlad goboleedyada, kaasoo lagu aas-aasay 2017 magaalada Kismaayo, ee xarunta KMG ah ee Jubbaland.

Madaxda Gollahan ku midoobey ayaa xiriirka u jaray bishii lasoo dhaafay dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, marka laga reebo Madaxweynaha HirShabeelle, Maxamed Cabdi Waare oo heshiis la galey Villa Somalia.

Khilaafka siyaasadeed ee u dalka ayaa gaarey heerkii ugu sareysay, iyadoo Aqalka Sare oo isku xil-qaamey dhex-dhexaadintooda uu ku eedeeyay Villa Somalia inay ka caga-jiideyso wadahadalka dowlad goboleedyada, oo cabashooyinkooda loo gudbay.

Maamul goboleedyada ayaa ku eedeeyay dowladda dhexe inay fulin waysay heshiisyadii horey ugu gaareen shirarkii Muqdisho iyo Baydhabo lagu qabtey iyo inay faragelin joogto ah ku heyso arrimahooda gudaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM