Shirka Maalgashiga Puntland oo si rasmi ah uga furmay Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka Maalgashiga dowladda Puntland ayaa Axadda maanta ah waxa uu si rasmi ah uga furmay magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo daah-furay shirka ayaa waxa uu soo dhaweeyay martida kala duwan ee ka qeybgaleysa madashan oo socon doonta saddex casho.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-gelaya Maalgashadayaal caalami ah oo ajaaniib ah, Ganacsato Soomaaliyeed, siyaasiyiin, Hay'addo caalami ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Ku-xigeenka, Axmed Cilmi Cismaan, Guddoomiye Ku-xigeenka Kowaad iyo labaad ee Golaha Wakiilada iyo xubno kale ayaa kasoo muuqanaya.

Hal-ku-dhiga shirka oo ah "Balaari ganacsigaaga oo maalgesho Puntland" ayaa waxa u jeedkiisu in aduunka loosoo bandhigo fursadaha maalgeshi ee ka jira Puntland.

Mudada ay furan tahay madasha ayaa waxa jiri doona doodo lagu gorfeyn doono fursadahaasi iyo qaababka ugu wanaagsan ee maalgeshi loogu sameyn karo.

Xukuumadda oo diyaarisay sharciga maalgeshiga ayaa fileysa in shirkan uu Puntland kusoo jeediyo indhaha caalamka, loogana maarmo kaalmo dibada ah.

Faa'iidooyinka la rajeynayo in laga dhexli doono shirka ayaa waxaa kamid ah shaqo abuur ay helaan dhalinyaradda iyo kobac dhaqaale oo uu maamulkan ku talaabsado.

MUUQAALKA SHIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM