Shirka Xukuumada Puntland oo looga hadlay Arrimaha Imtixaanka iyo Xajka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gudoomiyey Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.

Kulanka oo ay inta badan xubnaha Golaha ay kasoo qayb-galeen ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka.

Isu-imaatinka ayaa waxaa  todobaadkan looga hadlay arrimo ay kamid yihiin; Amniga dalka, Imtixaanaadka Shahaadiga ah, Arrimaha Xajka iyo Warbixino Kale.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa sidoo kale warbixino looga dhageysatay wasaaradaha amniga, arrimaha gudaha, dekadaha, beeraha iyo degaanka oo howlaha u qabsoomay ka warbixiyey.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM