Shirkadaha Isgaarsiinta Puntland oo fuliyey amarkii sarifka ee dowladda

Image

GAROWE, Puntland – Shirkadaha Isgaarsiinta degaanada Puntland ayaa dhaqan-geliyey amarkii kasoo baxay dowladda ee ahaa in aysan adeega wareejinta lacagaha aan la isugu diri karin wax ka yar Hal Doolar.

Golaha Wasiiradda Puntland ayaa amarkaan uu kasoo baxay kadib talosoojeedinta Wasaaradda Maaliyadda iyo Guddi khuburo oo loo xil-saarey in ay kasoo waramaan qaabka looga hortagi karo sicir-bararka.

Talaabadan ayaa waxay dhabaha u xaareysaa in shilin Soomaaliga uu aad u shaqeeyo taasoo hoos u dhigi kareysa sarre u kaca lacagta.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha caasimadda dowladda Puntland ee Garowe ayaa dib-u-shaqo kadib maalmo uu hakad ugu jiray sababo la xiriira shil ay halkaas ku gashay diyaaradda caalamiga ah ee waddanka Jabuuti.

Shilkaas oo yimid markii mid kamid ah taayaradda diyaaradda ay celid ku timid ayaan sababin midkoodna khasaaro nafeed iyo maaliyadeed.

Mas'uuliyiinta madaarka ayaa u sheegay Garowe Online in ay hagaajiyeen dhaawacyo yar-yar oo dhabaha cagashadda kasoo gaarey shilka waxayna tibaaxeen in ay bixin doonan adeegyadii looga bartay.

Garoonka diyaaradaha Garowe ayaa kamid ah madaaradda ugu caalamisan Soomaliya, waxaana maalintii taga duulimaadyo kala duwan oo qaarkood ay ka yimaadaan dalalka deriska iyo degaanadda kale ee Soomaalida.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM

Madaxweynaha Puntland: Ma Jiraan Xuduudo Laga Leexin Karo Dastuurkeena 1998

Doodda ka dhalatay maamulka cusub ee laga dhisay Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa hore u abuurtay xiisado siyaasadeed.

  • Puntland

    17-08-2025

  • 09:43AM