Diiwaan-gelinta xisbiyada Puntland: Shuruudaha oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meel gaarka doorashooyinka Puntland ayaa soo bandhigay habraaca iyo shuruudaha laga doonayo ururadda siyaasadeed ama xisbiyadda ee is-diiwaan gelinaya.

Diiwaan-gelinta oo bilaabatay 15-kii December, 2019, ayaa socon doonta saddex bilood, taasoo ka dhigan in maalinta ugu dambeysa ay tahay 15-ka March, 2020-ka.

Sidda ku xusan war qoraal ah oo Guddiga kasoo baxay, xisbiyadda ayaa laga rabaa in ay buuxiyaan dhowr shuruud oo kamid ah habraaca diiwaan-gelinta.

Shuruudaha waxaa kamid ah bixinta debaaji dhan $3,500 oo aan celis lahayn iyo in xisbigu in ka badan 300 taageereyaal ah ku leeyahay badi goboladda Puntland.

Guddigan ayaa asbuucaan daah-furay qorshe-howleedkiisa, oo ay ku cadahay in uu kalsooni buuxda ka qabo in uu Puntland ka hirgelin karo doorashooyin qof iyo cod ah.

Xukuumadda madaxweyne Deni ayaa kordhisay qoondada uu Guddigu ku leeyahay Miisaaniyadda dowladda ee sanadka dambe, taasoo ah tii ugu badneyd taariikhda Puntland.

Puntland oo ah hormuud u ah federaalka Soomaaliya ayaa 20-kii sano ee lasoo dhaafay ka shaqeyneysay dhaqan-gelinta nidaamka xisbiyadda badan, waxaana ku taageeraya caalamka.

Hoos ka akhriso warqadda Guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM