Sidda hidda-sidaha DNA loogu kala saarey caruur leysku haystay

Image

GAROWE, Puntland – Puntland, oo noqotay maamulkii ugu horeeyay ee Soomaaliya oo laga hirgeliyay hay'adda baarista danbiyada hidda-sidaha DNA iyo Raadadka faraha, ayaa kala saartey caruur laysku heystay.

Sidda uu ka dhawaajiyey madaxa hay'addaas, in ka badan 50 kiis oo ku saabsan caruur ay su'aal ka taagneyd cidda dhashay ayay ku guuleysteen in lagu qanco natiijada baaritaankooda.

Baaritaanka, oo ah mid cilmiyeysan, ayaa loo kaashanayaa sheybaar casri ah oo ku yaala magaalada caasimadda ah ee Garowe.

Dr Cabdirashiid Maxamed Shire, oo la hadlay BBC-da laanteeda Af Soomaaliga, ayaa sharaxaad ka bixiyey qaabka ay u mareen baaritaankooda.

Gudoomiyaha ayaa tibaaxay in ay adeegsadeen tijaabada aadanimadda DNA, oo afka qalaad lagu yiraahdo Paternity Testing.

Hanaankaan, sidda uu Shire xusay, wuxuu soo saarey maxsuulka su'aasha ahayd cidda dhashay caruurta muranka kaa taagnaa.

Wallow ay jiraan waddooyin kale, sidda laga soo xigtay Dr Shire, badi caruurta ayaa lagu aqoonsadey hanaanka Short Tandem Repeat.

Short Tandem Repeats, oo loosoo gaabiyo STMs, waxaa la isticmaalaa marka la doonayo in la kala saaro laba qof ama in ka badan.

"Runtii waxaa nasoo maray kiisas aad u badan oo dad ay is-yeesheen dadna ay is-yeelan waayeen, laakiin anaga shaqada aan qabanay waxay tahay wixii uu Saynisku soo saarey oo caddeymo ah in aan bixino".

Forensic Science, baaritaanka danbiyada hiddasidaha DNA iyo Raadadka faraha, oo haatan dunida u badan tahay, waxaa Puntland looga hirgeliyey deeq ay bixisay Sweden.

"Runtii waa wax aad loogu farxo ah in maxkamadaha iyo dadweynaha ay bilaabeen in ay aqbalaan natiijada aan soo saarno ayna xukuno ku riddaan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

Baaritaanka Forensic Science, oo lagu saleeyo dheecaanka, dharka uu watay ruuxa la dhibaateeyay, meesha ay wax ka dhaceen iyo arrimo kale, waxaa kiisaska lagu xukumay kamid ah galka kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM