Sidee gobollada u kala heleen xubnaha guddiga joogtada ee Baarlamanka Puntland?

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanada Gollaha Wakiilada Puntland ayaa maanta oo Isniin ah waxay xaruntooda magaalo madaxda Garowe ku yeesheen mid kamid ah fadhiyada Kal-gadhiga 1aad ee Aqalka.

Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo], Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland iyo labadiisa ku xigeen ayaa si wadajir ah u shir gudoominayey kulanka oo lagu doortay guddiga joogtada ah.

Ajendaha ayaa ahaa doorashada Gudiga joogtada ah, taasi oo ay ku tartameen musharaxiin dhowr ah, waxaana coddeynta oo ahayd mid gacan tag ah ka qayb qaatay 57 Xildhibaan oo fadhiga soo xaadiray.

Guddi ka kooban 3-xubin oo uu Gudoonka usaarey soo xulista xubnaha kamid noqonaya Guddiga joogtada ah iyadoo ku saleynaya awood qaybsiga gobolada ayaa daadaheynayay cod-bixinta.

Kursi kasta oo guddigan soo galay waxaa u tartamay labo Xildhibaan, iyadoo xubnaha Gobollada Bari iyo Nugaal markii lagu murmay, oo la isku tanaasuli waayay lagu kala saarey doorasho qarsoodi ah.

Gobolka Nugaal

Xildhibaan Cabdiqani Abshir Surato
Xildhibaan Fu’aad Abshir Axmed.

Gobolka Mudug

Xildhibaan Axmed Jaamac Caddulle
Xildhibaan Cawil Xasan daad.

Gobollada Bari, Karkaar iyo Gardafuu:

Gudoomiye Ku xigeen Abuukaate Cabdicasiis Cismaan Cabdullaahi
Xildhibaan Muuse siciid Xasan
Xildhibaan Cabdicasiis siciid Maxamed
Xildhibaan Jaamac Yaasiin Jaamac

Gobollada Sanaag iyo Haylaan.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiiladda PL, Cabdixakiin Dhoobo Daareed

Xildhibaan Cali Axmed Saalax

Gobollada Sool iyo Cayn:

Gudoomiye Ku xigeen Xildhibaan Ismaaciil Maxamed Warsame.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab
Xildhibaan Nimco Cabdi Caarshe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM