Sidee loo fashiliyey weerar ay Daacish ka fulin rabtay Boosaaso?

Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Ciidamo ka tirsan askarta PSF oo gaari ku marayey bartamaha suuqa caanaha magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku weerarey labo nin dabley ah oo ku hubeysan bistoolado.

Askartaan oo gaarigoodu ahaa nooca loo yaqaan Barbookiska waxaa tiradoodu aheyd Saddex, waxaana rasaas la beegsadey labo nin oo Saraakiisha amniga sheegtey iney ka tirsanaayeen Daacish.

Weerarkaa waxaa ku dhintey askari, islamarkaana ku dhaaawacmey mid kale, halka askarigii ay u suurgashay inta oo gaarigii ka baxo dilo mid kamid ah dableydii halka uu dhaawac u gaystey mid kale.

Ciidamo boolis ah oo gurmad ahaan goobta u yimid ayaa racdeystay mid kamid ah dableyda oo isku dayey in uu baxsado, hase ahaatee, nolosha ayay kusoo qabteen. Hadda wuxuu ku jiraa gacanta ciidamada.

Dhacdadaan ayaa laga soo wariyey agagaarka dhismaha shirkadda isgaarsiinta Golis, faraceeda xarunta ganacsiga dowladda Puntland.

Sidoo kale, waxay ciidamaddu gacanta kusoo dhigeen agab ay kamid yihiin waxyaabo qarxa oo maleeyshiyaadka ay wateen iyo gaari ay wateen.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in dableyda ay Daacish ahaayeen isla markaana iyaga iyo gaarigooda oo miineysan ay ku raadjoogeen maalmihii dambe isla markaana xogtiisa ay si buuxda u hayeen.

Boosaaso waxaa bilooyinkii lasoo dhaafay ka socday howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka oo ay sameynayeen Hay'addaha Nabad-gelyadda, waxaana muuqaneysa in dedaaladaas ay miradhalayaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM