Somalia oo rajeynaysa inay Kenya kaga guuleysto dacwada muranka Badda

Image

MUQDISHO, Somalia - Dowladda Somalia ayaa kalsooni badan ku qabta in Kenya ay labinta kaga heli doonto dacwada ku saabsan muranka sohdinta Badda, taasoo hortaala maxkamadda cadaaladda aduunka ee ICJ, sida uu sheegay xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka.

Axmed Cali Daahir ayaa shaaciyay in xeer-beegtada ay gudbiyeen dhamaan wixii caddeymo ahaan oo muujinaya lahaanshiyaha Somalia, isaga oo intaasi raaciyay in Kenya-na ay dhankeeda soo gudbisay doodeeda.

"Waxa kaliya ee haatan dhiman waa inay maxkamadu muddeyso goorta ay qabsoomeyso dooda," ayuu yiri Daahir, kaasi oo raaciyay "Waxaan ku rajo wayn nahay inaan ku guuleysano, sababta oo ah caddeymaheena iyo doodeena".

Xeer-ilaaliyaha ayaa shaaca ka qaaday in dooda kadib uu soo bixi doono go’aanka ugu dambeeyay ee kiiskaan, kaasi oo labada dowladooda aanu saameyn ku yeelan Karin, sida uu qiray.

In ka badan 20 Garyaqaano oo caalami ah oo ay ku jiraan qareenada metala labada dal ayaa ku howlan gal-dacwadeedkaan, kaasi oo soo bilowday bartamihii sanadkii 2014-kii, markaasi oo ay Somalia gudbisay.

Kenya ayaa ku doodeysa in heshiis is-afgarad oo ay la gashay madaxdii Soomaaliya ee talada haysay 2009-kii ay kusoo gabagabeysa muranka, iyadda oo aanan la marin wax maxkamad ah.

Sanadkii 2017-kii, Soomaaliya ayaa ku guuleystay wareegii 1aad ee dacwadda, inkasta aanu ahayn go’aan kama dambeys ah.

Goobta ay ku muran-san yihiin labada dowladood ee deriska ah oo badkeeda lagu qiyaasay 116,000km2 ayaa la sheegay inay hodan ku tahay kheyraad fara badan sida; Shidaal, Saliid iyo Kaluun.

Dacwada ay Soomaaliya gudbisay ayaa dhabaha u xaartay inuu hakad galo wax soo saar ay halkaasi ka waday Kenya.

Ugu dambeyntii, xeer-ilaaliye Axmed Cali Daahir, ayaa shaaciyay inay filayaan in ugu badnaan sanadkaan lasoo gabagabeyn doono kiiskaan, inkasta oo ay ku xirnaan doonto hadba sida maxkamada u dadejiso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM