Somalia: Puntland oo diidey qorshaha dib u eegista Dasturka KMG DFS ee Wasiir Xoosh

Image

GAROWE, Puntland-  Kulan golaha wasiirada dowlada Puntland isugu yimaadeen 29 June,2017 ayaa waxaa laga soo saarey go'aan ku saabsan hanaanka loo marayo dib eegista Dastuurka KMG ee dowlada Federaalka Somalia inuusan aheyn mid sax ah ah.

Qoraalkaan ayaa dowlada Puntland ku cadeysay wadada saxda ah ee loo marayo dib eegista Dastuurka Federaalka ah iyo hay'adaha dowlada ee ku shaqo yeelanaya hiwshaas.

Go'aanka dowlada Federaalka ah ayaa soo baxay xillli Wasiirka Dastuurka Federaalka Somalia Cabdi Xoosh Jibriil uu booqasho qorshe kaligiis ku iibanayo wax ka badalista Dastuurka KMG ah ku yimid Puntland.

Wasiirka oo koox dhalinyaro ah safarkiisa ku wehelisay ayaa waxaa qorshahaan uu wato sidoo kale ku tilmaamey inuu yahay sharci daro Senator Cabdiraxman Farole Madaxweynihii hore ee Puntland.Halkaan ka dhageyso 

Xoosh ayaa sida wararku sheegayaan dadejinaya barnaamijkaan uu wado kasoo dhaqaale lagaga qaadanayo beesha caalamka. 

Dhinaca kale warar ku dhow xafiiska Wasiirka Dastuurka ayaa sheegaya in sababta loo dedejinayo qorshahaan ay tahay ku aadan in isku shaandheyn golaha wasiirada lagu sameeyo dhowaan. 

Go'aanka golaha xukuumada ku diidey nidaamka loo marayo dib eegista Dastuurka KMGa ah ee dowlada Federaalka Somalia ayaa u qoraa sidatan:

GAROWEONLINE 

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Guulo Waaweyn Ka Gaaray Howlgalka Ka Dhanka ah ISIS

Sanado badan, buuraleyda Cal-Miskaad ayaa ahayd goobaha ugu muhiimsan ee ay argagixisadu ku dhuumaalaysato.

  • Puntland

    04-09-2025

  • 12:11PM

Puntland oo ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu jabiyay Dastuurka Soomaaliya

Ilaa hadda, madaxtooyada Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha kasoo yeeray Puntland.

  • Puntland

    01-09-2025

  • 06:58AM