Senator Farole oo ka hadlay kulan wasiirka Dastuurka Federaalka ku qabtey Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Senator Cabdiraxmaan Farole oo kamid ah Aqalka Sare Barlamanka Somalia, ayaa si faah faahsan uga hadlay marxaladihii uu soo maray Dastuurka dowladda Federaalka Somalia, xilli magaalada Garowe uu joog wafdi kasocda dowladda dhexe oo wada qorshayaal ku aadan dib u eegis lagu sameeyo Dastuurka dalka.

Farole, oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in dastuurkan lagu saxiixay magaalada Nairobi kuwaasoo ay qalinka ku duugeen lix saxiixe oo kasocday dowladda dhexe, Puntland, Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaac, kaasoo damaanad qaade ka ahaa Wakiilkii markaas u joogay Qaramada Midoobay  Somalia Augustine Philip Mahiga.

Farole, ayaa Wasiir Xoosh ku eedeeyay inuu marin habaabiyay Dastuurka Somalia iyo saxiixayaashiisa, taasna ay tahay nasiib darro iyo been abuur loo gudbinayo shacabka.

Qodobka ku aadan wax ka badalka Dastuurka oo Wasiir Xoosh tilmaamay inaan waxba laga farogalin ayuu Farole ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin isagoo xusay in qodobo badan faraha la galiyay oo sidii loo saxiixay qaab ka badalan loo gudbiyay, taasoo uu xusay inay ka sameeyeen qoraalo tiro badan.

"Waxaan idiin sheegayaa Aflagaadada uu sameeyay Cabdiraxaam Jibriil oo uu leeyahay Conspiracy theory, ama ahayd Been abuur, waa aflagaado iyo Madaxgoosasho iyo wax sharci la isku gayn karo, waana qalad inuu saas yiraahdo iyo dambi loona masaabixi maayo," Ayuu yiri Cabdiraxmaan Farole oo ku sugan Waddanka Australia.

Farole, ayaa Xoosh sidoo kale ku eedeeyay inuu marooqsaday shaqadii Barlamanka Somalia oo uu xuusay inay Guddiyo u xil saareen arrinta Dib u eegista Dastuurka Somalia islamarkaana dhawaan dooran doonaan Guddoomiye.

"Waxaan idiin sheegayaa oo kale, shaqada uu la soconayo oo meesha la wareegayo waa shaqadii Barlamanka, waana la sameeyay labadii Guddi ee Barlamanka oo fasax ku jira marka ay soo laabtaana dooranaya Guddoomiyihii Guddigaas," Ayuu hadalkiisa ku daray Xildhibaan Farole.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu maamullada uu la joogo u sheegay in Guddigaas Barlamanka ku leeyihiin labo xubnood, isagoo  uga digay marin habaabinta uu wado wasiir Xoosh oo sidoo kale ku sifeeyay shakhsi dhibaato badan u gaystay Dastuurkii waqtigii uu Farole ahaa Madaxweynaha Puntland.

Dowladda Somalia gaar ahaan Madaxweynaha iyo Ra'isal wasaaraha ayuu ugu baaqay inay wax ka qabtaa arrinta Xoosh ee ku khusaysa Dastuurka dalka Somalia, taasoo walaac ka muujiyay natiijada kasoo bixi doonta hadii loo daayo sida hadda wax ku socdaan.

Hadalka Farole, ayaa yimid Xilli Wasiir Xoosh arrimo badan ka sheegay su'aalo lagu weydiiyay magaalada Garowe oo uu kula kulmay bulshada Rayidka ah, kuwaasoo ay ugu waaweynayaan inuu dafiray wax ka badalka lagu sameeyay Dastuurka iyo in waxa la saxiiyay uu ahaa Dastuur iyo in kale.

22 June, 2012 ayaa Dastuurka KMG ah ee dalka Somalia lagu ansixiyay magaalada Nairobi, waxaana Farole kamid ahaa shakhsiyaadkii doorka weyn ka cayaaray hirgalintiisa, xilli muddo badan Xukuumadihii Somalia soo maray ay isku qabteen farogalin lagu sameeyay Dastuurka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ururo ka dhisan Marooko oo ku baaqay in la sii daayo muwaadiniin ay Puntland dil ku xukuntay

6-qof oo u dhashay dalka Marooko ayaa laga soo qabtay deegaanada ay ku sugan yihiin Daacish.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 07:28AM

Shanta ajande uu Xasan Sheekh doonayo in baarlamaanka u ansixiyo

Labo kamid ah qodobadan ayaa la sheegay in madaxweynaha uusan gorgortan ka geli doonin.

  • Soomaliya

    28-03-2024

  • 06:43AM