Taariikhda go’aan laga gaarayo kiiska kufsiga ee Caasha oo la muddeeyay

Image

GAROWE, Puntland – Maxkamadda Sarre ee dowladda Puntland oo Isniinta maanta ah mar kale u fadhiisatay kiiska kufsiga iyo dilka ee Caasha Ilyaasi Aadan ayaa waxay shaacisay in ay dib u dhigtay.

Garsooreyaasha oo dhageystay dooda dhinacyadda uu gal-dacwadeedkan quseeyo ayaa isla gartay in 22-ka bishan August 2019 ay soo saari doonan go’aanka ugu dambeeya kadib fadhi saddexaad.

Kiiskan oo taagan tan iyo bishii Febraayo ayaa waxaa dil toogasho loogu xukumay saddex eedeysane, kuwaasi oo midkood uu fadhigii koowaad ee Maxkamada Sare uu qirtay in uu faromeynta qayb ka ahaa.

Xukunsaneyaasha ayaa laba jeer rafcaan ka qaatay xukunka dilka toogashadda ah oo ay ku kala rideen Maxkamadaha Darada Koowaad iyo tan Racfaanka ee gobolka Nugaal.

Ina Faadumo Cali, 24-sano jir ah, Cabdifitaax Cabdishakuur Warsame, ku dhashay Hargeysa, ayaa daboolka ka qaadey in Inanta yar uu dilay Cabdishakuur Maxamed Dige, ina Khadiijo Maxamed, 46-jir ah.

Mr Dige oo ku dhashay Muqdisho, magaaladda caasimadda u ah Soomaaliya, ayaa waxaa uu iska fogeeyay falka, sidda ay sheegeen dad goobjoog u ahaa kulankii koowaad ee xeer-beegtada ugu sareysa Puntland.

"Cabdishakuur ayaa igu qanciyey in aan falka sameeyo," ayuu yiri. "Markan ka tegay ayuu ii sheegay in uu dilay gabadha, maadaama uu isaga iga da’ weyn yahay, uuna ceeboobayo," ayuu ku daray hadalkiisa.

Warsame oo caddeeyay in miyirkiisa uu taam yahay markii uu qirashada sameynayey ayaa tilmaamay in walaalkiisa, Cabdisalaan, oo kiiskan loo haysto uu yahay mid aanan wax dambi ah gelin.

Intii uu ku guda jiray su'aallo waydiinta maxkamadda, ruux kale oo magaciisa uu ku sheegay Aadam Maxamuud Cabdulle ayuu Cabdifitaax daboolka ka qaadey in uu ku wehliyay fal-dambiyeedka kufsiga.

Xeer-ilaalinta dowladda Puntland ayaa maalintii Sabtida waxaa hoosta ka xariiqday in lasoo qaban doono Aadam, kaasi oo la sheegay in markii cid ugu dambeysay uu ku noolaa xarunta gobolka Mudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM