Taliyaha howlgalka EU-da ee ka hortaga burcad-badeeda oo tegay Boosaaso

Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland – Wasiirka dekadaha dowladda Puntland ayaa maanta magaaladda Boosaaso ku qaabilay saraakiil ka socotay howgalka Midowga Yurub ee ka hortagga burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya.

Saraakiisha EU-da waxaa horkacayay Admiral Ricardo Hernandez, oo ah taliyaha cusub ee howlgalkaasi, kaasi oo horaantii bishaan Maaj sanadka 2019 si rasmi ah xilka ula wareegay kadib munaasabad heer sare ah.

Maxamed Cabdi Cusmaan, wasiirka arrimaha badda Puntland, oo shirka kadib u waramay suxufiyiinta ayaa fahfaahiyay ujeedka socdaalka saraakiisha, waxay kawada hadleen iyo natiijada kasoo baxday shirkooda.

Wasiirka ayaa cod dheer daaha uga rogay in ujeedka safarka uu ahaa in ay is-bartaan dhinacyada maadaama uu jagada ku cusub yahay taliyaha ayna ka dhaxeyso howlo fara badan oo muhiim ah.

"Iyaga ayaa soo codsaday kulanka, waana wax dhacda mar kasta oo uu taliye cusub yimaado, waxaana arrinta ugu muhiimsan ay ahayd is-barasho," ayuu ku nuux-nuux saday wasiir Cusmaan.

Howgalka Midowga Yurub ee ka hortagga shufta-badeedda xeebaha Soomaaliya oo ku guda jira shaqadaan tobbankii sano ee lasoo dhaafay ayaa sanad kasta waxa uu yeeshaan hogaan cusub.

Kulanka mas'uuliyiinta ayaa waxa uu ka qabsoomay garoonka diyaaradaha ee magaala xeebeedka Boosaaso, halkaasi oo wafdiga uu kasoo degay.

Socdaalka Hernandez ku tagay xarunta gobolka Bari ayaa ah mid taariikhi ah, maadaama uu noqonayo taliyihii labaad ee howlgalkaasi oo kasoo degga ciida Puntland lana kulma madax kala duwan.

Inta badan saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ee xeebaha Soomaaliya marka ay la kulmayaan mas'uuliyiinta dowlada waxa uu shirarkooda ka dhacaan gudaha badda, balse Puntland waxay haysataa iskoor gaar u ah.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA WASIIRKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM