Taliye cusub oo loo magacaabay saldhiga dekada Boosaaso

Image
Madaxtooyadda Puntland ayaa faafisay madaxwayne Deni uu isbedelkan sameeyay.

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda.

Sida ku xusan digreetadan lagu faafiyey ciwaanka madaxtooyadda ee Facebook-ga, Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

Wareegtaddan nuqul kamid ah uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu caddeeyay in Maxamuud lagu xushay "Aqoontiisa, kartidiisa iyo waayo-aragnimadiisa Shaqo".

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 36 ee 7-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Saldhiga Dekedda.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay:  Dastuurka  Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa G/dhex Warsame Axmed Shirwac loo magacaabay Taliyaha Saldhiga Dekedda Boosaaso.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

DHAMMAAD


Warsame ayaa badalaya Maxamed Cali Xaashi kaasoo todobaadkii hore uu Deni u magacaabay taliyaha guud ee booliska Puntland ka gedaal markii uu eryay Cabdi Yare oo jagadaas hayey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland: Howlgalka Calmiskaad oo guulo laga gaaray

Dhinaca kale, ciidamada Puntland ayaa gacanta ku dhigay gaari siday raashin, iyadoo la qabtay laba nin oo waday gaarigaas.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 05:47PM

Puntland: Ciidamada Amniga oo Qabtay Gaari Sahay u Waday Daacishta Ku Go’doonsan Calmiskaad

Kooxda Daacish ayaa la rumeysan yahay inay dadaal ugu jiraan sidii ay mar kale sahay uga heli lahaayeen Boosaaso.

  • Puntland

    29-07-2025

  • 01:39PM