Taliyihii ciidanka Isku-Dhafka Gaalkacyo oo la dhaawacay

Image

GAALKACYO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa magaaladda Gaalkacyo ku dhaawacday xalay madaxii howlgallada ciidamada isku-dhafka ee Puntland iyo Galmudug sameeyeen, Khaliif Nuur Shiil.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in rag bistoolado ku hubeysay ay Taliyaha ku  toogteen irida Masjid ku yaalla magaaladda, xilli uu kasoo baxay salaadda Taraawiixda.

Labo dhalinyaro ah, oo aan la aqoon cida ay katirsan yihiin ayaa falkan geystay, kuwaasoo u suurta-gashay inay goobta ka baxsadaan kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka.

Col Khaliif Nuur Shiil ayaa la dhigay Isbitaalka magaaladda Gaalkacyo, waxaana socda baaritaan ku aadan isku dayga dilka ee la doonayay in lagu khaarijiyo.

Ciidanka isku-dhafka Gaalkacyo oo dhismahiisa ay kaalin ka qaateen dowladda FS iyo Qaramada Midoobey, ayaa lagu amaaney inay wax badan ka qabteen amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM