Taliyihii ciidanka Isku-Dhafka Gaalkacyo oo la dhaawacay

Image

GAALKACYO, Puntland - Dabley hubeysan ayaa magaaladda Gaalkacyo ku dhaawacday xalay madaxii howlgallada ciidamada isku-dhafka ee Puntland iyo Galmudug sameeyeen, Khaliif Nuur Shiil.

Goobjooge la hadlay Warsidaha Garowe Online ayaa sheegay in rag bistoolado ku hubeysay ay Taliyaha ku  toogteen irida Masjid ku yaalla magaaladda, xilli uu kasoo baxay salaadda Taraawiixda.

Labo dhalinyaro ah, oo aan la aqoon cida ay katirsan yihiin ayaa falkan geystay, kuwaasoo u suurta-gashay inay goobta ka baxsadaan kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka.

Col Khaliif Nuur Shiil ayaa la dhigay Isbitaalka magaaladda Gaalkacyo, waxaana socda baaritaan ku aadan isku dayga dilka ee la doonayay in lagu khaarijiyo.

Ciidanka isku-dhafka Gaalkacyo oo dhismahiisa ay kaalin ka qaateen dowladda FS iyo Qaramada Midoobey, ayaa lagu amaaney inay wax badan ka qabteen amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM