Taliyihii Sirdoonka dowladda Puntland ee gobolka Mudug oo la dilay

Image

GAALKACYO, Puntland - Taliyihii nabad-sugida dowladda Puntland ee gobolka Mudug, Col Xaashi Aadan Cilmi, ayaa lagu dilay magaaladda Gaalkacyo ee xarunta gobolkaas.

Xoogaga gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ee Al-Shabaab oo baraha afkeeda ku hadla ee internet-ka kuna faafiso wararkeeda ayaa dusha saaratay mas'uuliyadda falkan.

Sidda ay warsidaha Garowe Online u sheegeen illo dhanka ammaanka ah, marxuumka ayaa lagu toogtay meel u dhow hoygiisa xaafada Suuqa Barwaaqo ee waqoyga Gaalkacyo.

Ciidamada amniga oo meesha ay wax ka dhaceen tegay ayaa xaqiijiyey in ay baxsadeen gacan ku dhiigleyaasha oo ay tibaaxeen in ay ku raad-joogaan soona qabanayaan.

"Rag bastoolad ku hubeysanaa ayaa dilay waxyar kadib salaadii," sidaas waxaa mareega GO khadka telefoonka ugu sheegay goobjooge codsaday in aan magaciisa la adeegsan.

Gaalkacyo, xarunta gobolka Bari, ayaa waxaa kawada armiya maamulada Puntland iyo Galmudug kuwaas oo ka tirsan dowlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Labada maamul oo kawada shaqeeya amniga, horumarka iyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa waxaa ugu kala magacaaban mas'uuliyiin fuliya adeegyada dowladeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM