Tiradda kiisaska Coronavirus ee degaanada Puntland oo sarre u kacday

Image

GAROWE, Puntland – Guddiga Puntland u qaabilsan wacyi-gelinta iyo ka hortagga Coronavirus ayaa sheegay in 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay soo kordheen 12 kiis cusub oo ah xanuunkaas safmarka ah.

Bukaanada cusub ayaa kamid ah 20 ruux oo caabuqa laga baarey, kuwaas oo lasoo wariyey in aysan gelin safar, taas oo macnaheedu yahay in lagu daartay ama lagu qaad-siiyey gudaha degaanadda.

"Waxaa maanta [Sabti, 2-da May, 2020] la baaray 20 ruux oo 16 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 4 dumar ah, waxaa xanuunka laga helay 12 qof oo 9 kamid ah ay rag ahaayeen iyo 3 haween ah, halka 8 ruux laga wayay. Dadka xanuunka laga helata ayaa Da’doodu udhaxaysa 15jir ilaa 65jir," ayuu yiri guddiga.

Iyaddoo kororka uu xawli ku socda, guddiga ayaa raaciyey: "Tirada guud ee xaaladaha COVID-19 Puntland laga diiwaan geliyay ayaa noqonaysa 23 ruux, hal bukaan ahna uu ugeeriyooday xanuunka".

Sidda laga soo xigtay warbixinta maalinlaha ah ee guddigu soo saarey 2-dii May, 2020, dadweynaha ayaa laga codsaday in ay xoojiyaan taxadarka isla markaana aysan ku dhaqmaan talooyinka caafimaad.

Puntland ayaa soo rogtay amarro lagu xakameynayo faafitaanka cudurka, waxaana kamid ah bandow habeenkii ah kaas oo waqtigiisu gabaabsi yahay isla markaana la rajeynayo in shir laga yeesho.

Wasaaradda Caafimaadka federaalka ayaa Sabtidii tibaaxday in tiradda kiisaska xanuunka ee guud ahaan waddanka ay gaareen 671 kadib markii 48-dii saac ee lasoo dhaafay la diiwaan-geliyey 70 xaaladood.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM