TOOS: Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa saaka ka billaabatey Puntland doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, taasoo ay ku tartamayaan 32 musharax, oo 21 kamid ah xilka ugu sarreeya ku loolamaya.

Musharaxiinta Madaxweyne waxaa kamid ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar labaad dib u doorasho raadinaya iyo ku xigeenkiisii Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, oo shantii sano ee talada hayeen ku fahilmay hogaaminta Puntland.

Camey ayaa ah Musharax u taagan qabashada xilkii uu horey u hayay ee Madaxweyne ku xigeenka.

Guddiga doorashada ayaa ka saxiixay mid kasta oo Musharixiinta kamid ah warqad uu ku balan-qaadayo inuu aqbali doono natiijada kama dambeysta ah ee doorashadda markii lagu dhawaaqo cida guuleysatay.

Isimadda iyo Culimadda ayaa ugu baaqey Xildhibanada cusub inay ka fiirsadaan halka ay codkooda dhigayaan, islamarkaana ay doortaan shaqsi hufan oo daacad ah, kuna wanaagsan hogaaminta Puntland.

Xubnaha Baarlamanka Puntland oo ka kooban 66, oo mid kaliya dumar ka ah ayaa ah codbixiyaasha dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee shanta sano ee soo socota hogaamin doona Puntland.

Natiijadda wareegga 1aad:

Natiijadda wareegga 2aad:

Asad Diyaano 30 cod

Saciid Deni 29

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM