TOOS: Doorashada Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa saaka ka billaabatey Puntland doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka, taasoo ay ku tartamayaan 32 musharax, oo 21 kamid ah xilka ugu sarreeya ku loolamaya.

Musharaxiinta Madaxweyne waxaa kamid ah Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo mar labaad dib u doorasho raadinaya iyo ku xigeenkiisii Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey, oo shantii sano ee talada hayeen ku fahilmay hogaaminta Puntland.

Camey ayaa ah Musharax u taagan qabashada xilkii uu horey u hayay ee Madaxweyne ku xigeenka.

Guddiga doorashada ayaa ka saxiixay mid kasta oo Musharixiinta kamid ah warqad uu ku balan-qaadayo inuu aqbali doono natiijada kama dambeysta ah ee doorashadda markii lagu dhawaaqo cida guuleysatay.

Isimadda iyo Culimadda ayaa ugu baaqey Xildhibanada cusub inay ka fiirsadaan halka ay codkooda dhigayaan, islamarkaana ay doortaan shaqsi hufan oo daacad ah, kuna wanaagsan hogaaminta Puntland.

Xubnaha Baarlamanka Puntland oo ka kooban 66, oo mid kaliya dumar ka ah ayaa ah codbixiyaasha dooranaya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub ee shanta sano ee soo socota hogaamin doona Puntland.

Natiijadda wareegga 1aad:

Natiijadda wareegga 2aad:

Asad Diyaano 30 cod

Saciid Deni 29

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Puntland oo Qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya

Sidoo kale, kulanka waxaa si gaar ah looga hadlay hawlgalka ka dhanka ah argagixisada ee ka socda deegaanka Calmiskaad.

  • Puntland

    26-08-2025

  • 12:15PM

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM