Madaxweynaha Puntland oo Xukuumadiisa horgeeyay Baarlamanka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland  - Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa la horgeeyay maanta Gollaha Wakiilada, si loo ansixiyo kadib markii todobaadkii tagey lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Garowe.

Kahor inta aanan codka kalsoonida loo qaadin, Madaxwayne Deni ayaa ka horjeediyo mudanayaasha Barnaamijkiisa Siyaasadeed iyo Qorshaha ay xukuumadiisa cusub fulineyso.

Intaasi kadib, Wasiirada ayaa is-baray Xildhibaanada, iyagoo soo bandhigaya taariikhdooda iyo khibrada aqooneed oo ay leeyihiin, taasi oo ay ugu adeegayaan shacabka.

Gollaha xukuumada cusub ee DPL oo ka kooban 48 ayey u badan tahay in la meel-mariyo, maadaama ay haystaan inta badan kalsoonida Xildhibaanada, kuwaasoo Madaxwaynaha doortay 8-da bishii hore.

10-ka bishaan Febraayo ayay ahayd markii la magacaabay Gollaha Wasiirada cusub, kuwaasi oo tirro ahaan ka yar xukuumadii Cabdiwali Gaas oo ku haray wareegii 1aad ee coddeyntii u dambeysay.

Shacabka reer Puntland ee ku nool daafaha caalamka ayaa soo dhaweeyay wasiirada cusub, iyaga oo ku tartarsiiyay in ay dar-dargeliyaan dadaalada dimoqraadiyeenta maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM