Madaxweynaha Puntland oo Xukuumadiisa horgeeyay Baarlamanka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland  - Xukuumadda cusub ee Puntland ayaa la horgeeyay maanta Gollaha Wakiilada, si loo ansixiyo kadib markii todobaadkii tagey lagu dhaariyay xarunta Madaxtooyadda Garowe.

Kahor inta aanan codka kalsoonida loo qaadin, Madaxwayne Deni ayaa ka horjeediyo mudanayaasha Barnaamijkiisa Siyaasadeed iyo Qorshaha ay xukuumadiisa cusub fulineyso.

Intaasi kadib, Wasiirada ayaa is-baray Xildhibaanada, iyagoo soo bandhigaya taariikhdooda iyo khibrada aqooneed oo ay leeyihiin, taasi oo ay ugu adeegayaan shacabka.

Gollaha xukuumada cusub ee DPL oo ka kooban 48 ayey u badan tahay in la meel-mariyo, maadaama ay haystaan inta badan kalsoonida Xildhibaanada, kuwaasoo Madaxwaynaha doortay 8-da bishii hore.

10-ka bishaan Febraayo ayay ahayd markii la magacaabay Gollaha Wasiirada cusub, kuwaasi oo tirro ahaan ka yar xukuumadii Cabdiwali Gaas oo ku haray wareegii 1aad ee coddeyntii u dambeysay.

Shacabka reer Puntland ee ku nool daafaha caalamka ayaa soo dhaweeyay wasiirada cusub, iyaga oo ku tartarsiiyay in ay dar-dargeliyaan dadaalada dimoqraadiyeenta maamulkaan 20-sano jirka ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM