TOOS U DAAWO: Khudbadaha Mushariixinta Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Waxaa Hoolka Gollaha Wakiiladda Puntland ka socda Hadal-jeedinta Musharixiinta xilalka Madaxweynaha iyo ku xigeenka u tartamaya, kuwaasoo soo bandhigaya barnaamjiyadooda siyaasadeed iyo CV-gooda.

Guddiga Doorashada ayaa shalay ku dhawaaqay inuu diiwaan-geliyay 21 Musharax oo u taagan xilka Madaxweynaha iyo 11 Musharax oo isu soo sharxay Madaxweyne ku xigeenka.

Madaxweynaha uu waqtigiisu dhamaadey, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shalay isku diiwaan-geliyay doorashadda isagoo raadinaya in mar labaad dib loo doorto, xilli maamulkiisii hore uu ku fashilmay hogaaminta Puntland.

Arrimaha amniga, dhaqaalaha, Federaalka, la dagaalanka argagaxisada iyo xoreynta degaanada ka maqan Puntland ayaa ugu waaweyn qodobada Khudbadaha Musharixiinta iyo balan-qaadayadooda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM