UN-ka oo Gaas kala hadlay Colaadda Tukaraq iyo khilaafka kala dhaxeeya DF

Image
Image

GAROOWE, Puntland - Wafdi uu hogaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Haysom ayaa maanta oo sabti ah gaarey magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal lasoo dhigay barta Twitter-ka Madaxa Howlgalka Kaalmeynta Qarmada Midoobey ee Soomaaliya [UNSOM],ayaa lagu sheegay in Haysom uu Aqalka Madaxtooyadda Puntland kulan kula qaatey Madaxweyne Cabdiweli Gaas iyo mas'uuliyiin kale.

Haysom ayaa Gaas kala hadlay sidii xal loogu heli lahaa colaadda Tukaraq iyo soo celinta xiriirkii wadashaqeynta ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, oo hakad ku jira tan iyo bishii September ee sanadkan.

Arrimaha kala ee la iskula soo qaadey kulan ayaa waxaa kamid ah doorashada madaxtinimda Puntland January 2019, iyadoo Haysom uu la wadaagey Gaas baahida loo qabo doorasho u dhacda si xor, xalaal iyo oo nabad ah.

Madaxweyne Gaas oo muda xileedkiisa uga hartay wax ka yar 60 maalmood ayaa ku fashilmay inuu Puntland gaarsiiyo doorasho qof iyo cod ah mudadii shanta sano ee uu xafiiska joogey, isagoo lagu eedeeyay musuq-maasuq iyo fashil dhanka amaanka ah.

Wakiilka Qaramada Midoobey iyo dhigiisa Midowga Africa ayaa maalmihii lasoo dhaafey safaro ku kala tagey Kismaayo iyo Baydhabo, iyagoo xal u raadinaya khilaafka siyaasadeed ee ka ka jira dalka, kaasi oo sidoo kale Aqalka Sare kaalin ka qaadinayo xalintiisa.

Dowlad goboleedyada ayaa hore u dalbadey in la helo daraf saddexaad hadii ay wadahadal la galayaan dowladda Dhexe, iyagoo sheegay in loo baahan yahay cid damaanad qaada fulinta heshiiska Villa Somalia, oo ay ku eedeeyeen in heshiisyadii hore kasoo bixi wayday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM