UN-ka oo ka hadlay muranka Puntland iyo Somaliland ee Sool iyo Sanaag

Image

GAROWE, Puntland – Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxa markii ugu horeysay soo hadal-qaaday colaada gobolada Sool iyo Sanaag ee u dhaxeysa Puntland iyo Somaliland.

James Swan, oo Isniinta maanta ah tegay Garowe, caasimada dowladda Puntland, ayaa la kulmay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, kaasoo ay kawada hadleen xaaladda guud ee waddanka.

Mr Swan oo kulanka kadib u waramay saxaafadda ayaa tilmaamay in ay Deni isla soo qaadeen muranka mudada taagan ee Sanaag iyo Sool si lamid ah isku dhacyadda goos-gooska ee Tukaraq.

Xoogaga maamulka Hargeysa ayaa bishii June ee sanadkii hore 2018-kii duulaan ku qabsadey degaankaasi, taasi oo dhalisay xaaladdo bini'aadanimo oo ay kamid tahay barakac dadka rayidka ah.

Erayga oo socdaalkiisa Puntland uu noqonayo midkii ugu horeeyay oo uu ku tago maamul goboleeyadda ayaa waxa uu labada dhinac u soo jeediyey in ay ka fogaadaan iska hor-imaadyo kale.

"Tani waa xiisad kasii dareysa," ayuu yiri Mr Swan oo daba dhigay "Hogaamiyeyaasha Puntland iyo Somaliland, waxaan ka codsadey geedi u socod nabad ah oo ku aadan muranka".

Gobolada ay ku muransan yihiin Puntland iyo Somaliland ee Sool, Sanaag iyo Ceyn oo murankoodu soo jireen yahay ayaa waxa labada maamul ugu kala magacaaban mas'uuliyiin.

Geesta kale, Mr Swan ayaa waxa uu balanqaadey in uu ka shaqeynayo sidii dalka loogu hogaamin lahaa siyaasad loo dhan yahay iyo isu soo dhowaanshiyaha dowlada iyo maamulada.

Ugu dambeyntii, dowladda Puntland ayuu si gaar ah ugu yahoobay in uu si dhow ugala shaqeynayo adkeynta ammaanka, mashaariicda horumarineed iyo xoojinta hay’adda dowladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM