UN-ka oo caddeeyay mowqifkiisa Shirka Wadatashiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa ayaa teegeero u muujisay Shirweynaha Wadatashiga dowlada Puntland ee qorshuhu yahay in uu 15-ka Maaj sanadkan 2020 uu ka furmo magaalada Garowe.

James Swan, ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa mowqifkaas ka dhawaajiyey kadib kulan uu magaala madaxda kula yeeshay Saciid Cabdullaahi Deni, madaxweynaha Puntland.

Wadahadalada ay madaxtooyadda ku yeesheen ayaa diiradda lagu saarey xaalada dalka gaar ahaan siyaasada iyo qorsheyaasha qaranka hortabinta u leh 2020-21 ee deyn cafinta, doorashooyinka iyo amniga.

Isagoo kulanka kadib warbaahinta la hadlay, Swan ayaa sheegay in uu Deni ka dhageystay warbixin la xiriirta Shirka Wadatashiga Puntland.

"Madaxweyne Deni wuxuu ii qeexay qorsheyaal todobaadka dambe lagu qabanayo wadatashi Puntland u dhan tahay oo balaaran si looga fekero arrimaha hor-tabinta u leh Puntland iyo qaranka," ayuu yiri.

Diblumaasiga Ameerikaanka ah ayaa wuxuu intaas ku daray: "Waxaan si dhow ula socon doonaa natiijadda kasoo baxda hindisahaas".

"Waxaan rajeynayaa in uu qeyb ka noqon doono wadahadalada horusocodka federaaleynta ku saleysan dastuurka ku meelgaarka ah ee Soomaaliya," ayuu kusoo koobay oraahdiisa shirka oo isha lagu wada hayo.

Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo la rajeynayo in ay kasoo muuqdeen xubno kala duwan ayaa laga soo saari doonaa war-murtiyeed ay ku cad yihiin dhamaan qodobadii ay isku raaceen dhinacyada ka qeybgalay madasha.

MUUQAALKA SWAN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM