Waa kuma Madaxweynaha cusub ee Puntland, Saciid Deni?

Image

GAROWE, Puntland - Saciid Cabdullaahi Maxamed Deni, ayaa maanta oo Talaado ah, 8-da January ee sanadkan 2019 ku guuleystay inuu noqdo Madaxweyne Puntland kadib doorasho ka dhacday Garowe.

- Waxbarashadiisa -

Deni, waxa uu ku dhashay Muqdisho sanadkii 1966, waa 53 sano jir, waxaana uu waxbarashadiisa asaasiga ee Dugsiga Hoose, Dhexe, Sare iyo Jaamacadda kusoo dhigtay isla Caasimadda Somalia.

Jaamacadda Umadda Soomaaliya ayuu ka qaatey Shaadaha Heerka kowaad ee Bajilarka isagoo ka baxay Kuliyadda Luqadaha intii u dhaxaysay 1986-1990.

Shahaadada Masterka ayuu ka qaatey Jaamacadda Putra University ee dalka Malaysia (1998- 2000) isaga oo ku taqasusay Maamulka iyo Maareynta.

- Shaqooyinkii ugu Muhiimsanaa -

Horaantii 1990-kii, wuxuu kasoo shaqeeyay Bosaso shipping agency,

1996 wuxuu ahaa Cilmi-baare sare,
1998, Saciid Deni waxuu ka mid ahaa dadkii wax ka dhisay Puntland,
2009 wuxuu soo noqday La-taliye sare dhanka dhaqaalaha dowladda Puntland
2012, waxa uu kamid noqday Baarlamaankii 9aad ee Soomaaliya xilligii dowladdii Xasan Sheekh
2014, Deni ayaa noqday Wasiirka qorsheynta Xukuumaddi Cabdiweli Sheekh Axmed
2017, wuxuu noqday Musharax la tartamay Farmaajo doorashadii February 8, 2017.
2019, Saciid Deni ayaa noqday Madaxweynaha Puntland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM