Wafdi gaarey Garowe iyo Caleema-saarka Deni oo isha lagu wada hayo

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo xubno ka tirsan Gollahaan ayaa gaarey magaalada Garowe ee xarunta rasmiga ah ee dowladda Puntland, maanta oo Khamiis ah.

Gudoomiyaha Gollaha Wakiilada Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo Daareed] ayaa kusoo dhaweeyay wafdiga Cabdi Xaashi madaarka diyaaradaha caalamiga ah ee caasimad goboleedka Nugaal.

Wafdiga uu horkacayo Cabdi Xaashi oo ay qayb ka yihiin Senator-o ka tirsan Aqalka Senate-ka ee wadanka ayaa qayb ka ah martida lagu casuumay caleema saarka Madaxwayneha DPL, Saciid Cabdullaahi Deni.

Maalinta Sabtida ah ee todobaadka dambe - 26-ka bishaan Janaayo 2019 - ayaa loo mudeeyay inay qabsoonto caleema-saarka hogaamiyihii 5aad ee Puntland, kaasoo la doortay 8-dii bishaan kadib doorasho xor iyo calaal ah.

Amaanka ayaa aad loo sugayaa iyadda oo ciidamada difaaca PL ay bilaabeen howlgalo lagu sugayo nabad-gelyada iyo madaxda kala duwan ee kasoo muuqan doono xaflada oo ay socoto qaban-qaabadeeda.

Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo mas'uuliyiin kale oo ay ku jiraan xubno ka socda Beesha Caalamka ayaa si lamid ah la rajaynayaa inay goobjoog ka noqdaan munaasabada taariikhiga ah.

Madashaan oo kulmi doonta siyaasiyiinta ugu saameynta badan dalka ayaa indhaha lagu wadahayaa khudbadaha ay halkaasi ka jeedin doonan, oo la sheegayo inay ubadnaan doonan kuwa ay ku dheehan tahay kaftan siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM