Wafdi Puntland ee xuska maalinta xornimada Jabuuti oo la kulmay Geelle

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wafdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa magaalada D-jabuuti ee dalka Jabuuti kaga qayb galay munaasibadda xuska sanadguuradii 42-aad ee kasoo wareegtey maalintii xornimada dalkaasi Juun, 27, 1977.

Weftiga Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa la kulmay Madaxweynaha wadanka Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Dalkaasi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalkaasi iyo Safiirka Ingiriiska ee Jabuuti.

Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Goleyaasha Dowladda Jabuuti, siyaasiyiin, waxgarad iyo masuuliyiin kale oo ka socda beesha caalamka, kuwaasi oo ka qayb galay munaasibadda ayuu sidoo kale la kulmay wafdiga.

Karaash ayaa dhambaal hambalyo ah oo ku aadan xuska sannad-guuradii 42-aad ee ka soo wareegtay maalinta xornimada Jabuuti gaarsiiyay Madaxweyne Geelle iyo shacabka aan walaalaha nahay ee wadankaasi, taasi oo uu uga sidey Shacabka iyo Madaxda dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Karaash oo ka qayb galay xuska maalintan ku wayn shacabka Jabuubti ayaa Dowladda iyo shacabka dalkaasi ku amaanay horumarka, nabadda, xasiloonida, wadaniyadda iyo isku-tashiga taabagalay ee ay guusha ku gaadheen xornimadooda kadib.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa hoggaanka iyo shacabka Jamhuuriyadda Jabuuti u rajeeyey horumar, nabad, wadajir iyo barwaaqo.

Puntland State House + GO

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM