Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo ka degay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wafdi uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii 7aad ee Somalia ayaa maanta ka degay magaaladda Garowe, ee caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas'uuliyiin kale ayaa wafdiga Sheekh Shariif kuso dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaaladda Garowe.

Sheekh Shariif waxaa Garowe kaga soo horeeyay Madaxweynihii xilka uga dambeeyay Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubbaland oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ayaa lagu wadaa in goordhaw uu soo gaaro magaalada Garowe, iyadoo diyaaradiisa ay kasoo duushay magaalada Muqdisho.

Xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu wado inay caawa dhacdo ayaa waxay kulminaysaa siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda sare ee Villa Somalia, oo horey u sahlanayn inay ku kulmaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM