Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Shariif oo ka degay Garowe

Image

GAROWE, Puntland - Wafdi uu horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii 7aad ee Somalia ayaa maanta ka degay magaaladda Garowe, ee caasimadda dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland, mudane Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas'uuliyiin kale ayaa wafdiga Sheekh Shariif kuso dhaweeyay Garoonka diyaaradaha magaaladda Garowe.

Sheekh Shariif waxaa Garowe kaga soo horeeyay Madaxweynihii xilka uga dambeeyay Xasan Sheekh iyo madaxda dowlad Goboleedyada, Koonfur Galbeed, HirShabeelle, Galmudug iyo Jubbaland oo ka qeybgalaya caleema-saarka Madaxweyne Deni.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Somalia, Maxamed Cabdullaahi Faramaajo ayaa lagu wadaa in goordhaw uu soo gaaro magaalada Garowe, iyadoo diyaaradiisa ay kasoo duushay magaalada Muqdisho.

Xafladda Caleema-saarka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo lagu wado inay caawa dhacdo ayaa waxay kulminaysaa siyaasiyiin mucaarad ah iyo madaxda sare ee Villa Somalia, oo horey u sahlanayn inay ku kulmaan Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM