Wafdiga Puntland u dirtay calaam-saarka Lafta Gareen oo gaarey Baydhabo

Image
Image
Image
Image
Image

BAYDHABO, Somalia - Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed gaaray wafuud kala duwan oo ka socota dowladda dhexe iyo maamul goboleedyadda qaar.

Madaxwayne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash, oo uu wehliyo Afhayeenka Gollaha Wakiilada, Cabdixakiin Dhoobo ayaa kamid ah mas'uuliyiinta lagu soo dhaweeyay madaarka diyaaradaha ee Shaati Gaduud.

Afhayeenka Gollaha Wakiilada KGS, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa mas’uuliyiinta kaga hortegay garoonka, isaga oo usii galbiyay dhinaca Madaxtooyada oo ay baaqi kusii ahaanayaan.

Madaxda ka socota Puntland ayaa ka qaybgeli doona caleemo-saarka Madaxwaynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen], taasi oo lagu wado inay qabsoonto 16-ka bishaan oo Arbcad berri ah.

Karaash iyo Dhoobo oo si kooban ula hadlay warbaahinta waxay muujiyeen dareen farxadeed oo ay ka qabaan imaanshiyahooda markii ugu horeysay Ciida maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay Baydhabo gaaraan wafuud kale oo ka socota maamul goboleedyadda kale iyo dowlada Federaalka oo ay kamid yihiin Madaxwayne Farmaajo iyo Afhayeenka Aqalka Hoose, Mursal.

Amniga ayaa sare loo qaaday, iyadda oo wadooyinka soo gala halka ay ka dhacayso xaflada caleemo-saarka oo ah Madaxtooyada lagu arkayo ciidamo cusub oo ah ilaalada gaarka ah ee Villa Soomaaliya oo halkaasi la geeyay maalmihii lasoo dhaafay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM