Wararkii ugu damabeeyay Shirka Garowe [Qodobada loo gorfeeyay]

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa maalintii 3aad galey wadahadalka u dhexeeya madaxda maamulada Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka kaasoo habeenkii xalay goor dambe la isla gaarey.

Illo xog ogaal ah ayaa u dusiyey warsidaha Garowe Online in xalay isla qaatay; in Dowlada Federaalka ah ay hakiso sharciyada Batroolka, doorashooyinka iyo xisbiyada.

Xogta ayaa intaasi ku dareysa in sharciyada Bartoolka iyo Doorashooyinka Qaranka oo ay xukuumadu meel-marisay aan la horgeyn doonin Aqalka Hoose inta xal siyaasadeed laga gaarayo.

Kulankaan oo galabta la sheegey in la isugu soo noqonayo ayaa ajandaha ugu sareeya waxaa uu yahay in la xaliyo khilaafka u dhexeeya maamulka Galmudug iyo Villa Soomaaliya.

Xeerka Bartoolka ayaa lagu waday in Isniintii la horgeeyo Golaha Shacabka, balse fadhiga wuxuu u baaqday Kooram la'aan markii ay soo xaadiri waayeen tirada uu ku furmi lahaa.

Kulanka wadatashiga ee Garowe uga socda hogaamiyeyaasha siyaasada Soomaaliya ayaa la rajeynayaa in lagu xaliyo khilaafka waayadii ugu dambeeyey u dhexeeyey madaxda dowlada federaalka iyo maamuladda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM