Wararkii ugu dambeeyay Ciidamo la wareegay Garoonka diyaaradaha Garoowe

Image

GAROOWE, Puntland - Ciidamo katirsan Puntland ayaa maanta oo sabti ah mudo kooban la wareegay Garoonka diyaaradaha Garoowe [Halkan ka akhri], iyagoo ka gadoodsan mushahaar la'aan mudo bilooyin ah.

Mas'uuliyiin katirsan maamulka Garoonka, ayaa u xaqiijiyeey warsidaha Garowe Online in ciidamada ay dib uga baxeen Garoonka, kadib markii saraakiil iyo mas'uuliyiin katirsan dowladda Puntland ay ku qanciyeen inay dib ugu laabtaan saldhigyadooda.

Ciidanka oo kasoo baxay aagga Tukaraq, ayaa sameeyay gadood ay ku dalbanayaan in Xukuumadda waqtigeedu dhamaadey ee Puntland inay siiso xuquuqda mudada dheer ka maqan iyo mushahaarkooda, aan dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay aan la siinin.

Gadoodka maanta ay sameeyeen ciidamada difaaca Puntland ayaa kusoo begemaya xilli magaalada Garoowe saaka booqashadii ugu horeysay ku yimid Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo kulan la qaatey Cabdweli Gaas.

Mudo dhowr jeer ah ayay ciidamada Puntland sidan oo kale uga sameeyeen magaalooyinka maamulkan gadood kiciyay mushahaar la'aan, iyagoo qabsadey xaruumo dowladeeda, oo Bangiga Dhexe iyo Baarlamaanka ay kamid yihiin.

Xukuumadda Gaas ayaa lagu eedeeyay inay ka gaabisay daryeelka ciidamada difaaca mudadii shanta sano ee xafiiska ay joogtey, iyadoo uu ka jira musuq-maasuq dakhliga kasoo gala canshuuraha gudaha, Dekedda Boosaaso, Garoomada diyaaradaha iyo deeqaha caalamka.

Kooxaha argagaxisada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa afartii sano ee lasoo dhaafey kusoo xoogeystay gobolka Bari, iyagoo weeraro Askar badan iyo shacab lagu dila, kuwaasoo ay kamid yahay kuwii lagu qaadey saldhiga Af-Urur iyo Balli-Khadar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM