Wasaaradda Cadaaladda iyo Diinta ee Puntland oo magaca laga bedelay

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxa UU gebi ahaanba magacii ka bedellay wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Sidda ku wareegto kasoo baxay xafiiska Deni taasi oo uu arkay warsidaha Garowe Online, waxaa magaca cusub uu noqonayaa Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Talaabadan ayaa waxaa la sheegay in ay qeyb ka tahay dib u habayn lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee maamulkan in ka badan 20-sano aas-aasan.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADA

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne, Lr-37, ee Luulyo, 03, 2019, magaca kaga bedelay Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Xeer Madaxweyne Lr 01, ee February, 03, 2019, kuna Saabsanaa Magacaabidda Golaha Xukuumadda Cusub

Markuu tixgeliyey: Dib u habaynta lagu sameeyey Wasaaraddaha iyo Hay’adaha kala duwan ee Dowladda.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta loo bedelay magac cusub oo ah Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dastuurka.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM