Wasiir baaq u diray ciidamada Puntland ee ku sugan aagga Tukaraq [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Wasiirka Warfaafinta dowladda Puntland, Cabdi Xirsi Cali "Qarjab" oo warbaahinta la hadlay kadib kulankii Gollaha Wasiirada ayaa baaq u diray ciidamada ku howlgalaya gobolka Sool.

Ciidamada ayaa ku sugan aaga Tukaraq, halkaasi oo ay isku hor-fadhiyaan xoogaga Somaliland oo dagaal ku qabsaday tuulada bishii Janaayo ee sanadkii 2018-dii, iyaga oo tan iyo xiligaasi halkaasi degan.

Qarjab ayaa ku waaniyay ciidamada difaaca Puntland inay halkooda kasii wadaan naf-hurnimadooda, taasi oo uu ku nuux-nuux saday inay ku farax-san yihiin shacabka iyo madaxda dowladda.

"Ciidamada Puntland iyo kuwa usoo gurmaday xorreynta gobolka Sool iyo meelaha uu codowgu haysto, si gaar ah waxaan uga cod-sanayaa in meesha ay howsha horey uga sii wadaan kasoo [anbaqaadaan]," ayuu yiri Qarjab.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Wasiirka Warfaafinta Puntland dalbaday in mas'uuliyiinta hay’addaha kala duwan ee dowladda inay howlahooda caadiga sii wataan, oo aanan saameyn ku yeelan isbedalka dhacay.

Shacabka Puntland oo uu kuu nuux-nuux saday inay yihiin mid ayuu ku booriyay inay gacmaha is-qabsadaan, iyagga oo dhinac uga soo wadajeeda wax kasta oo dhibaateynaya dowladnimadooda.

Hadalka wasiirka Qarjab ayaa kusoo aadaya iyada oo dhowaan Madaxwaynaha cusub Saciid Cabdullaahi Dani uu ka dhawaajiyay inaanu marnaba wax wadahadal ka geli doonin gobolada ay Somaliland kusoo duushay.

 GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM