Wasiir katirsanaa dawladda Puntland oo Muqdisho ku geeriyoodey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiir katirsanaa Xukuumadda Puntland ayaa saacadihii hore ee maanta oo Isniin ah ku geeriyoodey magaaladda Muqdisho, ee caasimadda Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha dawladda.

Ismaaciil Diiriye Gama'diid, oo ahaa wasiirka Beeraha, Deegaanka iyo Cimiladda ee dawladda Puntland ayaa u dhintay caabuqa Coronavirus [COVID-19], oo laga helay bishii May isaga iyo wasiiro kale oo xukuumadda Madaxweyne Deni kamid ah.

Todobaadkii tagey ayaa wasiirka loo soo qaadey Muqdisho, oo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayay tan iyo xilligaas.

Wasaaradda Beeraha, Deegaanka iyo Cimiladda ayaa ku xaqiijisay geerida wasiirka Gama'diid qoraal ay soo dhigtay maanta barta ay ku leedahay Facebook, waxaana la filayaa in meydka marxuumka loo qaado Garowe si loogu aaso.

Madaxweyne Deni ayaa ka tacsiyeeyay geeridda Wasiirka, isagoo ku tilmaamay inuu kamid ahaa xubnaha ugu firfircoon ee gollaha wasiiradda Puntland, isagoo qabtay shaqo wanaagsan mudadii uu noolaa ee uu xilka hayay.

Waa mas'uulkii ugu sareeyay oo katirsan Puntland oo u geeriyooda xanuunka COVID-19 oo ku dhacay dad gaaraya 163 qof oo wasiiro ay kamid yihiin guud ahaan degaanada dawlada goboleedka.

Guud ahaan dalka Soomaaliya, waxa uu cudurka ku dhacay 1,594 qof, waxaana u dhintay 61 bukaan ah, oo intooda badan ku noolaa magaalada Muqdisho iyo gobollada ku dhaw.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM