Deni oo guddi u saarey xaaladda degmo ay baddu kusoo fatahdey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Khamiis ah waxa uu gudoomiyey shirka todobaadlaha ee golaha Xukuumadda.

Axmed Cilmi Cismaan [Karaash], madaxweyne ku xigeenka iyo inta badan xubnaha Laanta Fulinta dowladda Puntland ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa kulanka.

Ugu horeyn, wasaaradda amniga oo warbixin ka bixisay xaaladda nabad-gelyadda guud ee dalka ayaa sheegtay in ammaanku uu hagaagsan yahay.

Goluhu wuxuu cod aqlabiyad leh uu ku ansixiyey Xeerka Howlgabka Shaqaalaha dowladda oo ay soo gudbisay wasaaradda shaqadda, shaqaalaha iyo dhalinyaradda.

Hindise Sharciyeedkan ayaa waxa uu xaq-siinayaa howladeenadda dowladda Puntland marka ay noqdaan kuwa howlgab ah.

Wasaarada howlaha guud oo shirka keentay warbixin ku saabsan burburkii wadooyinka ayaa soo bandhigay qorsheyaasha si dhameystiran loogu dayactirayo.

Intii uu kulanka socday, golaha ayaa wuxuu sidoo kale ka arrin-sadey xaaladda degmada Caluula ee gobolka Gar-dafuu oo dhowaan ay baddu ku fatahdey.

Madaxweyne Deni ayaa wuxuu guddi u saarey latacaalida mashaqadda degmadaasi, waxayna soo qiimeyn doona xaaladda iyo gurmadka loo fidinayo.

Ugu dambeyntii, golaha wasiiradda ayaa waxay si wadajir ah uga tacsiyadeeyay geerida Abwaan Maxamuud Singub oo todobaadkan ku dhintay dalka Itoobiya.

MUUQAALKA KULANKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo la kulmay dhiggiisa Puntland 

Labada hoggaamiye ayaa isku dayaya inay dib u hagaajiyaan xiriirkooda siyaasadeed, kaasoo xumaaday tan iyo sanadkii 2022.

  • Puntland

    23-06-2025

  • 12:24PM

Wasiirka Dirir: Dowladda Federaalka Heshiis Qarsoodi ah ayay la gashay Al-Shabaab

Hase yeeshee, Garowe Online si madax-bannaan ugama xaqiijin karo sheegashooyinka uu wasiirku sameeyay.

  • Puntland

    21-06-2025

  • 04:58PM