Wasiir hortegay guddiga joogtada ah ee baarlamaanka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Shirka 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-Guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudoomiye Abdirashid Yusuf Jibril oo ay wehliyaan ku xigeenka 1aad Hon. Abdiaziz Abdullahi Osman, ku xigeenka 2aad Mudane Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa waxaa hor-yimi Wasiirka Maaliyadda DPL.

Fadhiga maanta ee Guddiga joogtada ah oo uu hor-yimi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda DPL Xassan Shire Abgaal ayaa wax laga weydiiyey cabashooyin ay Guddiga u soo gudbiyeen Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL iyo Hay’adda Qandaraasyada iyo Iibka DPL.

Cabashooyinkaas oo ku saabsanaa in aysan helin khidmadihii loogu jideeyey xeerarka ay ku dhisan yihiin kuna fulin lahaayeen waajibaadkooda shaqo.

Wasiirka Maaliyadda DPL ayaa faah-faahin ka bixiyey arrinta cabashooyinka ee la soo hor-dhigay, waxaana uu sheegay in aaney marna soo gaarin Xafiiskiisa wax cabasho ah oo ku saabsan Hay’adda Horumarinta Waddooyinka DPL, balse waxa uu xusay inay kulmeen Hay’adda Qandaraas-bixinta iyo Iibka DPL uuna ka qanciyey cabashadii ay ula tageen.

Wasiirku waxa uu Guddiga u xaqiijiyey inuu diyaar u yahay in uu ka qanciyo Hay’adaha ku shaqada leh cabasho kasta oo ay qabaan Hay’adaha kor ku xusan, ka dib waxaa Guddigu su’aalo ka weydiiyeen cabashooyinka ka soo gaarey Hay'adahaas.

Intaa ka dib Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil wuxu arrintaas u magacaabay Guddi ka soo talo-bixiya soona lafa gura, Guddigana warbixin ku soo celiya fadhiga 5-aad Haddii Alle idmo.

Baarlamaanka Puntland

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM