Wasiiro uu dhowaan magacaabay madaxweyne Deni oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta dhaariyey Wasiiro iyo ku xigeenka uu dhowaan Madaxweynuhu magacaabay.

Munaasabadda Dhaarinta ayaa ka dhacday Qasriga Madaxtooyada Dowladda Puntland ee Garoowe, halkaasi Wasiirada cusub uu dhaariyey Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed , iyadoo uu Madaxweynuhuna goobjoog ka ahaa dhaarta dastuuriga ah .

Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Wasiir Ku-xigeenada cusub ee la dhaariyey:

1 Eng. Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacade) Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo dalxiiska.

2 Eng. Maxamuud Xaaji Saalax Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Khayraadka Badda.

3 Cabdi Ibraahim Warsame (Qawdhan) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda .

4 Ismaaciil Saleebaan Geelle Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Amniga iyo DDR.

5 Axmed Siciid Ismaaciil (Qolombe) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda BIyaha, Tamarta iyo Macdanta.

6 Saynab Ismaaciil Maxamed Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka, Beeraha iyo Isbadalka Cimiladda.

7 Cabdiqani Axmed Ismaaciil ( Deero Dile) Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Xiriirka Caalamiga ah iyo Horumarinta Dhaqaalaha.

Maalmaha soo aadan ayaa la filayaa in munaasabado kooban ay xilalka kula wareegaan wasiiradda la dhaariyey, iyaddoo la ilaalinayo xaaladaha caafimaad la xiriira safmarka Covid-19.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM