Wasiiro uu magacaabay madaxweyne Deni oo la dhaariyey

Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waraafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdifataax Nuur Ashkir iyo Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Cabdicasiis Maxamed Macallin ayaa maanta lagu dhaariyey qasriga Madaxtooyada dowladda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa goobjoog ka ahaa dhaarta Wasiirada, waxaana dhaariyey xubin ka tirsan Maxkamadda Sare ee Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa kula dar-daarmay Wasiirada in ay sugayso shaqo balaaran oo dasduuriya, taas oo ay ugu adeegayaan shacabka Puntland iyo guud ahaan kuwa Soomaliyeedba.

Isla’ markaana, waxa uu Madaxweynuhu ku adkeeyey inay ka feejignaadaan waxkasta oo hoos u dhac ku keenaya shaqadooda, taas oo ay maanta ku dhaarteen magaca Alle inay shacabkooda ugu shaqeeyaan si daacad ah oo danta, dalka iyo diintu ku jirto.

Ugu dambayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Alle uga baryey Wasiirada cusub in uu ku asturo shaqadooda, uuna ka yeelo kuwo si daacad ah, sinaan iyo cadaalad ah uga soo baxa masuuliyadda loo igmaday.

Madaxtooyada Puntland

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM