Wasiirrada Puntland oo taageeray go'aankii Maamul goboleedyada

Image

GAROOWE, Puntland- Shirkii golaha wasiirrada Puntland oo maanta 01 Nev 2018 ka qabsoomay caasimadda Garoowe, ayaa looga hadlay arrimaha Amniga, Go’aankii GIDG, Ansixinta Siyaasadda Shaqada iyo Shaqaalaha iyo sidoo kale Siyaasadda Horumarinta Dhalinyarada.

Xaaladda ammaanka Puntland ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana waxaa warbixin laga dhagaystay wasaaradda amniga.

Qoraal kasoo baxay shirkaas ayaa lagu sheegay in golaha wasiirrada Puntland si buuxda u taageereen go'aankii kasoo baxay shirkii madaxda maamul goboleedyadu bishii hore ku yeesheen magaalada Garowe kaasoo laga soo saaray war-murtiyeed ka koobnaa 15 qodob.

Taageeridda go'aankan ayaa kusoo aadaya xilli uu aad u xunyahay xiriirka madaxda maamul goboleedyada iyo DFS.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM