Xaaladda Boosaaso kadib qoraalkii Madaxtooyada Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland - Waxaa magaalada Bosaso ayaa sida kale degan caawa marka laga reebo dhaqdhaqaaq ciidamo oo ka jira agagarka Madaxtooyada Puntland iyo dadweyne ka baxay xaafadaha ka ag dhow yihiin xarumaha Madaxtooyada iyo PSF.

Tan iyo intii ay soo baxdey qoraalkii Madaxtooyada Puntland ku diidey go'aankii qaar ka tirsan issimada Puntland ayaa waxaa kordhey cabsida laga qabo in dowladda Puntland xiisadda taagan talaabo ciidan ku xaliso.

Wararka ugu dambeeyey Garowe Online helo ayaa shegeeya in caawa xubno isugu jira siyaasiyiin ah oo ka soo jeeda gobolka Karkaar ka codsadeen Madaxweynaha Puntland iney dhexdhexaadin sameeyaan iyadoo uu ka aqbaley.

Lama xaqiijin iney ogolaansho ka haystaan xubnahan dhexdhexeedinta bilaabey dhinaca Agaasimhii hore ee hay'adda PSF.

"Waxaa jirta in amar ka dambeys ah uu madaxweynaha siiyey saraakiisha ciidamada Dowladda ee ku sugan Boosaaso balse codsi ka yimid siyaasiyiin iyo ganacsato u badan reer Karkaar ayaa sababtey in amar dambe la siiyey ciidanka." Sidaas waxaa GO u sheegey xogogaal diidey in aan magaciisa xusno xaaladaha jira Awgeed. 

Madaxweyne Siciid Cabdulahi Dani ayaa bishii hore xil ka qaadis uu ku sameeyey Agaasimihii hay'adda PSF ayaa sababtey in ciidamo dowlada ah lagu soo daadgureeyo xarunta ganacsiga Puntland.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM