Xal waara oo laga gaaro daadadka magaalada Qardho oo laga shiray

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Puntland,  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir maamulku ka codsatay Beesha Caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Deni oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in qabsoomida kulankaas uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka oo looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho, sidda ku xusan qoraalka.

"Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Xafiiska Khayre ayaa wariyey in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu deeq-bixiyeyaasha caalamka ku booriyey in ay dardargeliyaan gurmadka dadka ku nool xarunta gobolka Karkaar.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay daadad dhowaan kusoo rogmaday Qardho kadib roobab mahiigaan ah oo ka da'ay. Laba kamid ah dadka ku geeriyooday waxaa lagu sheegay caruur.

Madaxweyne Deni oo wariyeyaasha kula hadlay magaaladda oo uu booqdey kadib dhibaatadaas ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in khasaaraha maaliyadeed uu ka badan yahay 40 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM