Xal waara oo laga gaaro daadadka magaalada Qardho oo laga shiray

Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Madaxweynaha Dowlada Puntland,  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Isniinta maanta ah hab maqal iyo muqaal ah uga qeyb galay Shir maamulku ka codsatay Beesha Caalamka.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Deni oo uu arkay warsidaha Garowe Online ayaa lagu sheegay in qabsoomida kulankaas uu fududeeyay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, James Swan.

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa sidoo kale qayb ka ahaa kulanka oo looga hadlayey sidii looga falcelin lahaa fatahaadii ka dhacday Qardho, sidda ku xusan qoraalka.

"Waxaa kulanka looga hadlay marxaladda cusub ee ah in la gargaaro dadkii dhaawaca weyn uu soo gaaray guryahooda ama ganacsigooda, sidii loo leexin lahaa Biyaha iyo meelaha ay soo maraan iyo in xal waara laga gaaro arrintan," ayaa la raaciyey qoraalka.

Xafiiska Khayre ayaa wariyey in wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ah uu deeq-bixiyeyaasha caalamka ku booriyey in ay dardargeliyaan gurmadka dadka ku nool xarunta gobolka Karkaar.

Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay daadad dhowaan kusoo rogmaday Qardho kadib roobab mahiigaan ah oo ka da'ay. Laba kamid ah dadka ku geeriyooday waxaa lagu sheegay caruur.

Madaxweyne Deni oo wariyeyaasha kula hadlay magaaladda oo uu booqdey kadib dhibaatadaas ayaa wuxuu shaaca ka dhigay in khasaaraha maaliyadeed uu ka badan yahay 40 milyan oo Doolar.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM