Xeerka Dalxiiska Puntland oo si aqlabiyad ah loo ansixiyey

Image
Image
Image
Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland ayaa gudbisay xeerkan.

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada.

Kulankan ayaa la sheegay in todobaadkan looga hadlay Amniga, Warbixinta safaro wafdi Wasiiro ah ku tageen Gobollada Gardafuu iyo Karkaar iyo Ansixinta Xeerka Dalxiiska Puntland.

Golaha ayaa dood dheer kadib cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Xeerka Dalxiiska Puntland, oo ay Golaha usoo gudbisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Dhanka kale, madaxweyne Ku-xigeenka ayaa warbixino ka dhegaystay Wasaaradaha kala duwan ee Dowladda, wuxuuna boggaadiyay shaqada socota, sida laga soo xigtey qoraalka kulanka.

Karaash ayaa faray Hay’addaha Dowladda dhammaan in lasii dardargeliyo shaqooyinka xiligan oo Puntland ay kusoo wajahan yihiin labo Doorasho mida Goleyaasha deegaanka ee hal cod iyo hal qof iyo tan Baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya.

Puntland ayaa talaab kale oo dhanka dimuqraadiyada ah ku talaabsatay xilli ururada siyaasadda ay xalay ka qeybgaleen dood uu daadihinayo guddiga doorashooyinka ku meelgaarka ah.

Doodan aaa imaaneysa kahor bilowga coddeynta dowladaha hoose oo loo balansan yahay 25-ka bishan October. Garoonka Xalwo Kismaayo ee Qardho ayaa martigeliyey madashan ay dadweynuhu xaadireen.

Nidaamkan ayay Puntland kaga gudbeysaa habka qabiilka oo tabashooyin badan abuuray wallow maamulku kusoo caana-maalay hase ahaatee waxaa la sheegay in la joogo xilligii lasoo afjari lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Puntland oo Gacanta ku Dhigay Xubno Ajnabi ah oo Ka Tirsan Daacish

Ciidamada Puntland ayaa horey u muujiyay dadaal joogto ah oo ku aaddan sugidda amniga iyo xasilloonida gobollada Puntland.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 01:55PM

Deni oo ka hadlay dagaalka Gedo, kana digay burburka dowladnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka in ay hurinayso dagaallo sokeeye oo ku saleysan dano gaar ah.

  • Puntland

    01-08-2025

  • 09:21AM