Xildhibaano soo jeediyay in Somaliland liiska argagaxisadda

Image

GAROWE, Puntland - Xildhibaanno katirsan Gollaha Wakiiladda Puntland, ayaa soo jeediyay in Liiska argagaxisadda lagu daro Somaliland, iyagoo u jeediyay eedeymo culus.

Mudaniyaashan oo degaan doorashadoodu tahay gobolka Cayn ayaa ku eedeeyay Somaliland inay Al-Shabaab ku abuurtay buuraha Sanaag iyo Bari, islamarkaana ay dad shacab ah oo aan waxba galabsan kasoo barakicisay gobolka Sool.

Xildhibaannada ayaa ka dalbaday Baarlamaanka Puntland inuu soo saaro qaraar rasmi ah, oo Somaliland loogu aqoonsanayo maamul argagaxiso.

Somaliland ayaa horey dhowr jeer loogu eedeeyay inay xiriir la leedahay Al-Shabaab, islamarkaana ay hurinayso colaadaha iyo amni darrada ka taagan qeybaha kale ee Soomaaliya, oo Puntland ugu horeyso, maadaama ay xuduud ku muransan yihiin.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Somaliland oo ku aadan eedeynta loo jeediyay, taasoo kasoo aadaysa xili kumanaan kun oo Soomaali ah tan iyo horaantii bishan laga soo saarey degaanno kamid ah Sool.

Somaliland ayaa difaacday go'aanka dadka ay kusoo barakicisay, iyadoo sheegtay inaysan u dhalan degaanka oo ay ajnabi yihiin. Dad badan ayaa aaminsan in arintan ay isir-nacayb la xiriirrto, maadaam Itoobiyaan badan ay ku nool yihiin Somaliland.

GAROWE ONLINE

Related Articles

AFRICOM Oo Duqeyn Ka Fulisay Puntland, Bartilmaameedsatay Kooxda Daacish

Duqeyntan ka dhacday Puntland ayaa imaaneysa xilli Maraykanku uu sidoo kale duqeymo kale ka fuliyay koonfurta Soomaaliya.

  • Puntland

    20-04-2026

  • 01:17PM

Hanti-dhawrka Guud ee Puntland oo Amar Degdeg ah ku Soo Rogay Wasiirada Cusub

Hanti-dhawrka ayaa si cad u tilmaamay in masuuliyiinta sare ee dowladda laga reebay inay sameeyeen ganacsi gaar ah inta ay xilka hayaan.

  • Puntland

    04-04-2026

  • 08:10AM