Xilliga la dooranayo afhayeenka cusub ee Golaha Wakiilada Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah wuxuu xilka ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii Golaha Wakiiladda, Cabdixakiim Maxamed Axmed [Dhooba Daareed].

Ku simaha gudoomiyaha ahna ku xigeenka koowaad, Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, oo natiijada ku dhawaaqay ayaa shaaca ka qaadey in 49 mudane ay "Haa" u coddeysay; 4-na ka aamustay.

Cismaan ayaa tilmaamay in fadhiga ay soo xaadirtay 53 Xildhibaan, isla markaana sidaas ay "ansax" ku tahay xil ka xayuubinta Dhooba Daareed, oo xafiiska joogay tan iyo 4-tii Janaayo ee 2019-ka.

Dhinaca kale, Cismaan ayaa wuxuu ku dhawaaqay Guddi doorasho oo ka kooban todoba xubnood, kuwaas oo isku daba ridi doona doorashadda gudoomiyaha cusub ee Golaha Wakiiladda Puntland.

Coddeynta oo aad isha loogu hayo ayaa waxay qabsoomi doontaa 14-ka bishaan November, waxaana murashaxiinta ay fursad u haystaan inay isa soo diiwaan-geliyaan kahor maalinta coddeynta.

Guddiga ayaa lagu wadaa in ay soo bandhigaan habraaca saxda ah iyo shuruudaha looga baahan yahay murashaxiinta isu soo taagi doonto in ay qabtaan jagada afhayeenka.

Dhooba Daareed ayaa wuxuu horey uga dhawaajiyey in uu u hogaan-sami doono go'aan walba oo kasoo baxa baarlamaanka oo uu sheegay in uu xaq u leeyahay in ay doortaan cidda hogaamineysa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM

Puntland oo soo afjartay awooddii ciidamada isbarbar socda kaddib hawlgalladii Gaalkacyo iyo Boosaaso

Xogaha ayaa sheegaya in qorshaha dowladda muddo-xileedkeedu dhammaaday uusan …

  • Puntland

    07-08-2026

  • 04:51AM