Cuqaasha Wasiirada iyo xildhibanada Puntland qaar oo heshiis la galey Somaliland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE- Kadib markii kulan balaaran ku dhexmarey degaanka Awr-boogeys beelaha Maxamuud Bari, Hinjiinle, Kaskii Qabe ee gobolada [ Sool & Sanaag] iyo dowlada Somaliland 19 July, 2016 ayaa warsidaha Garowe Online waxa uu ogaadey magacayada qaar cuqaasha saxiixdey heshiiska hordhac ah iyo xiriirka la leeyihiin Wasiirada iyo xildhibaanada Puntland.

Kulankaan oo maamulka Somaliland uga qayb galeen Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Warfaafinta , Wasiirka dib u dajinta, Wasiirka biyaha iyo xildhibano ayaa lagu gaarey 5 qodob oo u Gogol xaraaya in beelahaan ku biiraan maamulkaan iyadoo loo balamey in shirar kale la isugu yimaado.Halkan ka akhri qodobada hehsiiskaan 

Warsidaha Garowe Online oo diirada saaraya cuqaasha beelaha ka qayb galay kulankaan ayaa ogaadey in xubno ka tirsan golaha Wasiirada Madaxweyne Gaas iyo xildhibaanada Barlamanka ee kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag ay u yihiin caaqilo beelaha ay kasoo jeedaan.

'' Waxaa uu muujinaya hehsiiska laga gaarey kulankaan iney dhuntey kalsoondii u dhexeysay hogaanka sare, xubnaha golaha xukuumada, Xildhibanada Barlamanka qaarkod ee iyo qaybaha kala duwan ee shacabka Puntland, taasina waxa sababtey in xukuumada Somaliland ka faa'ideysato fursadaan" sidaas waxaa u sheegey GO xubin kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda gobolka Sool ee ku sugan magaalo madaxda Puntland ee Garowe.

Odayaashaan saxiixey heshiiskaan ayaa sidoo kale waxaan ogaaney intooda badan ka diwaangashan yihiin wasaarada arrimaha gudaha dowlada Puntland.

Qaar magacyada saxiixey heshiiskaan iyo xiriirka siyaasiyiinta Puntland 

1- Caaqil Maxamuud Askar Jaamac- Caaqilka beesha Bihidarays (Naaleeye Axmad) odeygaan ayaa ah Caaqilka Guud ee beesha Wasiirka arimaha gudaha Puntland Axmad Karaash

2- Caaqil Xuseen Aadan Cadde waa caaqilka beesha Reer Jibriil ( Naaleeye Axmad) waxaana uu caaqil guud u yahay xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo la yiraahdo Keyse Cawil Cali.

3- Caaqil Carab Ismaaciil Cali Suudi waa caaqilka beesha Bah Cabdalle (Nalleeye Axmad ) waana caaqilka xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland Ismaaciil Cabdi Abtiile 

4- Caaqil Cabdirashid Maxamad Farax waa caaqilka beesha Bihina Caraale ( Naleeye Axmad) waa caaqilka xildhibaan ka tirsan Barlamanka Puntland oo la yiraahdo Cabdi Siciid Kafad.

5- Cabdulahi Garaad Saleebaan oo wakiil u ahaa garadaka guud ee beeshaan oo xaalad caafimaad ugu maqan Imaraadka islamrkaana waxaa ay ilma adeer yihiin Saadiq Garaad oo kamid ah xildhibanada ugu tunka weyn Barlamanka Puntland islamrkaana xiriirka dhow la leh xukuumada Madaxweyne Gaas.

Magacyada odayaasha heshiiskaan saxiixey guud ahaan: 

Dowlada Puntland ayaa weli hadal kaso saarin kulankaan ku dhexmarey degaanka Awr-boogeys odayaashaan iyo maamulka Somaliland.

GAROWEONLINE 

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM