Xubno ku biiri lahaa ururka Daacish oo duleedka Boosaaso lagu qabtey

Image

BOOSAASO, Puntland - Ciidamadda amniga Puntland ayaa shaaciyey howgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Boosaaso in ay kusoo qab-qabteen xubno doonayeey in ay ku biiraan ururka Daacish ee ka dagaalama Buuraha Cal Miskaat ee gobolka Bari.

Qoraal kasoo baxey ciidamada ayaa lagu sheegey in howgalkaan laga sameeyey degaanada buuraleyda iyo Togaga Gaaca guban iyo Moqor ee Koonfurta Bari kaga beegan magaalada Boosaaso. 

Ciidaamada amniga Puntland ayaa qoraalkaan baaq ugu direy shacabka in ay la wadaagaan wixii xog iyo mac-luumad cadow ah, si kooxaha ammaanka lidiga ku ah looga sifeeyo deeggaanada Puntland gaar ahaan gobolka Bari oo ay kusugan yihiin xubno ka-kala tirsan ururada Al-shabaab iyo Daacish.

in-kudhoow labo sanno ayey ciidamadda Puntland ka sameeynayeen howgalo xooggan Buuraleyda Bari kuwaas oo ay doonayan in kaaga saaraan kooxaha Daacish oo halkaas ku dhuumaaleysta.

Dhowaan ayey aheyd markii taliyaha ciidamada Booliska Puntland gaarey magaalada Boosaaso halkaas oo uu ka sameeyey howlgalo wax logo qabanayo amni dato baahsan oo saameysay xarunta gobolka Barri.

Degaanada buuraleyda ee ku teedsan gobolka Barri ayaa waxaa muddo ka badan 10 sano ku dhuumaaleysanayey kooxaha aragagixisada ah kuwaas oo dilal iyo qaraxyo qorsheysan ka gaysta qaybo kamid ah Puntland.amada amniga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM