Xukuumada Federaalka oo bogaadisay Shirka Maalgashiga Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Shirka Maalgashiga Puntland oo Axadii si rasmi ah u furmay ayaa maalintii 3-aad waxa uu ka socdaa magaaladda caasimadda ah ee Garowe.

Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta federaalka, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka qayb galay shirka maanta, waxa uu jeediyey khudbad muhiim ah oo ka hadlaysa muhiimadda Maalgashiga.

Jamaal ayaa bogaadiyey talaabada wanaagsan ee Madaxda Dowladda Puntland shirkan ku hirgeliyeen Madasha oo hal ku dhigeedu yahay "balaari ganacsigaaga oo maalgsho Puntland".

Shirka ayaa qayb ka ah masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, dhamman maalgashadayaashii shirka qaybta ka ahaa, Ganacsato Soomaaliyeed iyo khuburo arrimaha ku xeel-dheer.

Ajandaha shirka maanta ayaa waxaa looga hadlay ayaa ah; horumarinta dhallinyarada, maalgashiga, caqabadaha iyo fursadaha, dalxiiska, adeegyada Bulshada, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Iyadda oo lagu wado in dhamaadka lasoo saaro war-murtiyeed ku xusan qorsheyaasha lasoo bandhigay, madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la filayaa in gelinka dambe ee maanta uu soo xiro shirka.

Bayaankaasi ayaa sidoo kale waxaa la rajeynayaa in lagu fahfaahin doono fursadaha maalgeshi ee banaan xili xukuumaddu balanqaadey in ay sugeyso amniga ganacsatadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidanka Difaaca Dowladda Puntland oo Muujiyay Inay Yihiin Laf-Dhabarta Amniga Soomaaliya

Howlgalladan guuleystay ee PDF ayaa noqonaya mid xoojinaya doorka Puntland ee ku aaddan la-dagaallanka argagixisada.

  • Puntland

    20-08-2025

  • 06:23AM

Ciidamada Puntland oo Horumar Ballaaran Ka Sameeyay Dagaalka ISIS ee Buuraha Cal-Miskaad

Cutubka 1-aad ee ciidamada difaaca Puntland ayaa howlgallo is-daba-joog ah ka wada jihooyin badan oo buuraleyda Cal-Miskaad ah.

  • Puntland

    18-08-2025

  • 12:40PM