Xukuumada Puntland oo amar dul-dhigtay hay'addaha samafalka

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Golaha Xukuumadda Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxay yeesheen Shirkii Todobaadlaha ahaa ee alaaba looga hadlo xaalada guud ee dalka.

Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Madaxweyne Ku-xigeenka dowladda Puntland, ayaa gudoomiyey kulanka oo ay kasoo qayb-galeen inta badan xubnaha Laanta Fulinta.

Isu-imaatinka waxaa todobaadkan looga hadlay, Amniga dalka, Safarkii Madaxweyne Ku-xigeenka ee deegaanka Af-urur, Xaaladda Waddooyinka Puntland iyo Warbixino kale.

Sidda ku cad qoraal kasoo baxay kulanka, Mr Karaash ayaa amar ku bixiyey in muddo 24-saacadood gudaheeda ah looga jawaabo baahiyaha daruuriga ah ee ka jira tuulada Af Urur.

Hay'addaha Samafalka ayaa la faray in ay si degdeg ah uga howlgalaan degaankaasi ayna gaarsiiyaan dadka gurmadka ay u baahan yihiin sida Ceelasha-Biyaha, Caafimaadka iyo Waxbarashada.

Dhanka kale, Wasaaradda Amniga oo warbixin la xiriirta nabad-gelyadda soo bandhigtay ayaa shaacisay in amaanka uu hagaagsan yahay lana hirgeliyey ciidamada xasilinta Baran.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Xasan Sheekh ku Eedeysay Kicin Colaadeed 

Puntland ayaa sheegtay in safarkaasi yahay isku day lagu abuuri karo “fidno iyo colaad” ka dhacda Galkayo.

  • Puntland

    14-08-2026

  • 11:36AM

Deni oo Gaalkacyo gaaray xilli Puntland adkeyneyso gacan-ku-haynta amniga

Booqashada Deni ee Gaalkacyo ayaa sidaas darteed si dhow loola socdaa, iyadoo laga filayo inuu qiimeeyo xaaladda amni.

  • Puntland

    08-08-2026

  • 05:38AM